Dowladda Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah Ula Wareegtay Koontaroolka Hawada Soomaaliya 20 Sano Kadib.*Daawo Sawirada*

0

hawoMuqdisho (AGGM): Kulan xasaasi ah oo maanta gudaha garoonka diyaaradaha ku dhexmaray wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta,Boostada,iyo  Gaadiidka xukuumadda Soomaaliya mudane c/laahi Ciilmooge Xirsi oo Matalayay dowlada Soomaaliya  iyo mas’uuliyiin kasocoto hay’ada Qaramada midoobay u qaabilsan Duulimaadka aduunaka ee lagu magacaabo Ecao  ayaa waxa uu u jeedkiisu ahaa in la dhameystiro Dadaal ay dowladu ugu jirtay inay dib ula sooo wareegto maamulka hawada ee dalkeena iyadoo ay  si Rasmi ah u kala saxiixdeen wasiirka warfaafinta iyo mas’uuliyiinta kasocotay hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan duulimaadka caalamka heshiis ay dowladu kula soo wareegeyso maamulka Duulimaadka hawada Soomaaliya.

Kulanka ayaa qaatay mudo saacada ah hase yeeshee ala mahadiis waa lagu guuleystay in lakala saxiixdo Hishiiskan uu dowlada Soomaaliya gacanteeda kusoo galayo koontarool hawada oo mudo 19 sano ah Laga maamulayay xafiiska  ay ku leedahay dalka Kenya .

Wasiirka warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta,iyo Gaadiidka Mudane c/laahi Ciilmooge Xirsi oo dadaal Dheer ku bixiyay howshan intii uu xulkan hayay ayaa sheegay inuu guul kusoo dhamaaday shirkan Islamarkaana lakala saxiixday heshiis ka kooban 7 qodob oo dhigaya in lala soo wareegay koontaroolka Hawada Soomaaliya kaasoo si rasmi ah u dhaqangalaya mudo 7 bilood gudahood ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in heshiiskan uu dhigayo in dib loogu soo celiyo dalka qalab farabadan Oo lageeyay Kenya si loogu dhiso garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan ee magaalada Muqdisho isagoo intaa raciyay in wixii ka bilowda 1da bisha June ay dowladu wax ka maamuli doonto Howsha horay uga socotay dalka Kenya inta laga soo wareejinayo.

Mudane Ciil Mooge ayaa sidoo kale xusay in marka la dhameystiro qalabka garoonka Muqdisho laxirayo Xafiiska Kenya islamarkaana la ballan qaaday fududeynta tababarada dadkii ka shaqeynlahaa iyo Dhaqaalaha ku baxaya si dhaqso loogu soo wareejiyo gudaha dalka Soomaaliya.

hawo5

hawo3

hawo

hawo6

hawo2

hawo1

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com