Maxamed Cabdi Kaliil “Al Shabaab Gedo Waa Laga Saarayaa”

0

Kaliil2Garbahaarey (AGGM): Gudoomiyaha Gobalka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in deegnada hoos yimaada Gobalka Gedo laga saarayo Kooxaha Alshabaab ee ka dagaalama deegaanada Gobalka Gedo hoosyimaada .

Waxa uu sheegay in Ciidamada Maamulka Gobalka Gedo ay dagaal la galeen kooxaha Nabad diidka ah ee ka dagaalama Gobalada Dalka qaar ka mid ah hayeeshee waxa uu tilmaamay in deegaanadooda ay ka sifeen doonaan kooxahaas.

Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo garabsanaya Ciidama Itoobiyaan ah weerarku qaadeen Xarumo dhoor ah oo Koxaha fariisimo u ahaa.

Maamulka gobolka Gedo ayaa ballan qaaday iney Alshabaab ka sifeyn doonaan gobolkaas,wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyey iney gacanta ku qaban doonaan sugida guug ahaan deegaanada gobolka Gedo.

Sidoo  kale Gudoomiyaha ayaa baaq u diray hay’adaha gargaarka isagoona ka dalbaday iney gurmad la gaaraan dadka danyarta ah ee ku dhibaateysan xarunta gobolka Gedo ee Garbahaarey.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com