Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Oo Caddeeyey In Dagaalladii Lagula Jiray Falaagada Al-shabaab Ay Hakad Galeen.

0

fiqi1London (AGGM): Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo ah Wasiirka gaashaandhigga Dalka Soomaaliya, kana mid ahaa wafdigii Madaxweynaha Soomaaliya ee haatan ku sugan London ayaa caddeeyey inay hakad galeen dagaalladii lagula jiray Al-shabaab kaddib markii ay dowladda Soomaaliya iibsan wayday hub ay kula dagaalanto.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Fiqi oo ka hadlayay isagoo joogay machad ay tababar ku qaataan ciidamada gaarka ah ee Britain oo ku yaalla London wuxuu sheegay in tan iyo markii cunnoqabateynta hubka laga qaaday Soomaaliya laba bilood ka hor aysan dowladdu soo iibsan qori qori AK-47 ah ama xabad rasaas ah, taasoo uu sheegay inay sabab u tahay dhaqaale la’aan haysata dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Mudane Fiqi ayaa sheegay in dowaldda Soomaaliya ay qorsheynayso inay dhisto 280,000 askari oo leh xirfadaha ciidamada lana hubeeyo si ay ammaanka dalka u sugaan, balse ay taasi ka horjoogsatay lacag la’aanta jirta.

Wasiirku wuxuu sheegay in dagaalladii lagula jiray Al-shabaab ay joogsadeen muddo afar bilood ah hakad, wax tallaabo ahna ma aysan qaadin ciidamada, iyaga ayaa saldhigyada lagu soo weeraraa, hase yeeshee waxayn ku jiraan difaac adag oo keliya, taasna waxaa u sabab ah Ciidamada ma haystaan hub ay kula dagaalamaan nabad-diidka cadowga ku ah Ummadda Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Wasiirka, wuxuu sheegay in Al-shabaab ay burbur ku socoto marka la eego dhinaca hoggaanka,c iidamada iyo siyaasadda, wuxuuna caddeeyey in Al-shabaab ay lumiyeen sumcaddii beenta ahayd ee ay ku lahaayeen Bulshada dhexdeeda, sidaas darteed waxay lumiyeen dhul ballaaran oo ay ka talin jireen.

Mudane Fiqi oo ka hadlayey qoorshaha dhismaha ciidamada cadadkooda gaaraya 28,000 askari inay ku baxaysa lacag dhan 160-milyan oo doollarka Mareykanka ah, taas oo ah Qorshaha ammaanka dalka Soomaaliya, sidoo kale dowladda waxaa u dagsan in Ciidamadan loo helo tababar wanaagsan.

Warkan waxaa Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Fiqi ka soo xigatay Wakaaladda wararka ee Reuters Warkan ayaa ku soo beemaya xilli magaalada London loogu qabtay Soomaaliya shir dhaqaale loogu uruurinaya,si dib loogu dhiso haykalka dowladnimo ee Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com