Gudiga Xaqiiqo Raadinta Ee Ka Socda Dowladda Soomaaliya Iyo IGAD Oo Todobaadkan Gudihiisa Gaaraya Magaalada Kismaayo.

0

top newsKismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya saaka magaalada Kismaayo aya waxa ay sheegayaan in gudiga xaqiiqo Raadinta ee dhawaan looga dhawaaqay shirki ay yeesheen madaxda IGAD ee ka dhacay xarunta IGAD ee magaalada Addis Ababa in loo dirayo magaaalda Kismaayo ayaa waxaa la sheegayaan in Todobaadkan gudihiisa ay soo gaarayaan magaalada Kismaayo.

Gudigan ayaa waxa ay wareeysiyo la yeelanayaan dhamaan beelaha dago gobolada Jubbooyinka iyo Gedo waxa ayna warbixin ka diyaarinayaan waxa ay kala soo kulmeen magaalada Kismaasyo, warbixintaas ayaa waxa uu gudiga hordhigayaan kulanka ugu horeeya ee ay yeeshaan madaxda IGAD.

Dhinaca kale waxaa magaalada Kismaayo Xalay ka dhaxay Gen. Cabaas iyo horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni iyaga oo saaka ku waabariistay saldhiga ciidamada dowladda ay ku leyihiin deegaanka Goob Weeyn.

Ciidamada dowladda ayaa waxa ay teer iyo shalay ka wadeen gudaha iyo daafaha  magaalada Kismaayo hoowlgalo ciidan oo looga hortagayo falaagada Al Shabaab oo todobaadyadan weeraro gaadmo ah oo isku xig xigay ku soo qaadayay qeeybo kamid ah magaalada Kismaayo.

Isku soo wada duuboo saaka waxaa xasiloon magaalada Ksimaayo mana ay jiraan wax dareen ah amaba dhaq dhaqaaqyo ciidan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com