Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Ka Foojigan Tahay Qaraxyo Ay Kooxaha Argagixisada Al Shabaab Ka Geystaan Dalkooda.

0

uganda flagKampala (AGGM): Saraakiisha amniga dalka Uganda ayaa kulan ay yeesheen waxaa ay sheegeen in ay ka foogjin yihiin weeraro kooxaha argagixisada ka geystaan qeybo ka mid ah dalkaas, kadib markii ay helleen macluumaad la xiriira qorshayaal ay damacsan yihiin kooxaha argagixisada

Kulanka saraakiisha Uganda ayaa leys kula soo qaaday sidii owladda Uganda ay uga Feejignaan lahayd weeraro Al Shabaab ay ka geystaan dalkaasi kuwaasi oo dagaallo kawada dalka Soomaaliya.

Taliyaha ugu sareeya ciidanka booliiska Uganda ayaa sheegay in ciidanka nabad-galyada Uganda la Galiyay feejignaan dheeri ah kaasi oo ku aadan sidii looga hortagi lahaa weeraro rgigixiso oo Al- Shabaab ay ka fuliyaan waddanka Uganda.

“ Waxaan hellay xog ku saabsan in ay qorshayaal maleegayaan kooxda Al-shabaab oo damacsan in ay weeraro  argigixiso ka geystaan gudaha dalka Uganda, annagana kama jiifno ka hortagooda ayuu yiri taliyaha ciidamada booliiska dowladda Uganda.

Sanadkii 2010 ayeey aheyd markii kooxda Al-shabaab weerar qaraxyo ah oo ay ka geysteen magaalada Kampala ku dilleen dad ka badan 70 ruux.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com