Banaanbax Lagu Taageerayo Shirka London Oo Muqdisho Ka Dhacay.*Daawo Sawirada*

0

Banaanbax (28)Muqdisho (AGGM): Bannaanbax lagu taageerayo shirka maanta ka furmay magaalada London ee dalka Britain ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay xarunta Beerta nabadda ee degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Bannaanbaxa oo ay ka qeyb-galeen madaxda ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo qeybaha bulshada ayuu raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdi Faraax Shirdoon (Saacid) ka sheegay in shirka ka socda magaalada London uu muhiim u yahay ummadda Soomaaliyeed, ayna dowladda Soomaaliya ugu faa’iideysan doonto in ay beesha caalamka u soo bandhigto qorshaha ay degsatay ee ay dooneyso in dalka ay kaga saarto xaaladda uu hadda u jirto.

Raysul wasaaraha ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay meel marinta dhammaan qodobbada ay dowladda degsatay sida arrimaha ammaanka, caddaaladda, maareynta shaqaalaha, maareynta hantida dadweynaha, xasilinta siyaasadda iyo bixinta adeegyada bulshada.

Waddooyinka waa-weyn ee magaalada Muqdisho ayaa laga dareemaayaa bannaanbaxa, iyadoo dadweynuhu ay wateen callamada iyo sawirrada madaxda dowladaha Soomaaliya iyo Britain.

dibad

dibad3

Banaanbax (28)

dibad4

Banaanbax (4)

Banaanbax

Banaanbax (1)

dibad2

dibad5

dibad1

Haduu Alle Idmo Filo Dhawaan Sawirada Oo Dhameystiran.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com