Falaagada Al-Shabaab Oo Is Hor-taagtay Dhismaha Iskuul Waxbarasho Oo Ka Socday Deegaanka May-kareebe Ee Gobolka Gedo.

0

iskuulGarbahaarey (AGGM): Maleeshiyada kooxda al-Shabaab ayaa galinkii dambe ee shalay joojisay dhismaha iskuul waxbarasho oo ka socday deegaanka May-kareebe ee ka tirsan deegaannada hoos-taga degmada Garbahaarrey ee gobolka Gedo.

Xubno ka tirsan guddiga qaabilsan dhismaha iskuulka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in al-shabaab ay istaajisay dhismaha iskuulka iyadoo ku andacooneysa in mashruuca dhismaha iskuulka ay wataan hay’ado ka tirsan Qaramada Midoobay, oo ay sheegtay inaaney ka howlgali karin deegaannada ay ka arrimiso kooxda.

Xubnaha ka tirsan guddiga dhismaha iskuulka ayaa beeniyay eedeynta al-Shabaab, iyagoo sheegay in qurbo joog u dhalatay gobolka Gedo ay ku tabarruceen lacagta ku baxeysa dhismaha iskuulka, oo lagula dagaallamayo jahliga ka jira deegaanka.

Warar kale ayaa sheegaya in maleeshiyada falaagada al-Shabaab ay dalbadeen lacag canshuur ay ku sheegeen oo caddadeeda ay dhan tahay 1,500 USD, si guddiga loogu fasaxo inay sii wataan dhismaha iskuulka.

Deegaanka May-kareebe waxaa horey uga dhisnaan jiray iskuullo ka sameysnaa cooshado kuwaas oo ku baaba’ay dagaalladii ugu dambeeyay ee deegaanka ku dhex maray al-Shabaab iyo dowladda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com