Wararki Ugu Dambeeyay Maanta Iyo Xaalada Magaalada Kismaayo.

0

kismaayo2Kismaayo (AGGM): Wararka maanta naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in maanta ay magaalada Kismaayo iskaga baxeen shaqaalihi hay’adaha Samafalka UN-ka

Waxaa maanta garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo soo caga dhigtay laba diyaaradood oo ka qaadayay Garoonka shaqaalaha hay’adaha samafalka UN-ka.

Ilaa hadda ma ay jiraan wax war-murtiyeed ah oo ka soo baxay Hay’adahaas isaga baxay magaalada Kismaayo iyo horjoogeyaasha maamulka la sheegay in uu ka jiro magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale waxaa la soo sheegayaa in la badalay taliyihi saldhiga booliska magaalada Kismaayo Deeq Cismaan Axmed (Khalinle). waloow aynaan helin magaca taliyaha cusub ee lagu badalay oo la sheegay in uu kamid ahaa ciidamada dhawaan kasoo kicitimay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Warar hoose ayaa waxa ay sheegayaan in ay socdaan olole qar iska tuur ah oo ay wadaan kooxda isku magacoowday Gudiga qaban qaabada shirka Jubbaland oo ay ku doonayaan in lagu dhawaaqo Madaxweynaha Jubbaland, halka ay beelaha daga Jubbooyinka sheegeen haddii ay dhacdo arrintaas in uu qarxayo dagaal beeleed aafeeya gabi ahaan deegaanada Jubbooyinka.

Isku soo wada duuboo xaalada magaalada Kismaayo ayaa maanta ah mid wax walba laga filan karo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com