Galayax Abwaan Hibbo Sheegtay. W/Q: Cali Yaasiin Gurbe.

0

Cabdi Galayax1(1)Ilaahay Naxariistii jano haku galadaystee Abwaan Galayax oo Saaka ku geeriyooday Dalka Ethiopia Caasimadiisa  ayaa waxaa siweyn uga naxay guud ahaan umaddii maqashay ama wax ka taqaanay hibbaddii Abwaanimo oo ilaahay Abwaanka siiyey.

Abwaan Galayax oo ku geeriyooday daddii 90naad oo dhowr gu dheer Geeridiisa kasoow waxaa si wayn u tabi doona Bahdii Suugaanta aay saaxiibka ku ahaayeen iyo kuwii aay usku xirnaayeen.

Abwaan Galayax wuxuu ahaa amase lagu tirin jirray Abwaan hibbo sheegtay isla markaana dhiiran oo aan la gaban hibadiisa Abwaanimo,waxaay inta badan Abwaaniinta Soomaliyeed ama Bahdal Afmaalka soomaliyeed ku sheegeen inuu ahaa boqorka Amaanta geela gayiga Soomaali dagto oo dhan.

Galayax wuxuu ku dhashay Dhulka doolo loo yaqaan oo Wardheer aay ugu magac dheertahay isagoo halkaasi kusoo barbaarey waayihiisa barbaarnimo taasoo lagu sheego inuu halkaasi kala soo ifbaxay himiladiisa Abwaanimo oo aay waliba u dheerayd inuu ahaa Abwaan Soomalinimadda ku dhaata dhaqanka iyo hiddaha Soomaliyeedna koryeela.

Inkastoo aan anigu ahay Shaqsi si weyn ugu fekerayay inaan mar uun la kulmo Abwaan Galayax balse tii alle iiga hormartay taasoo dib ii xasuusiyey halqabsiga gayiga Soomali laga wadda yaqaan ee ahayd. “Waxaad Aadanow maaggan tahay adiyo maankaagu Iyo meel uu Ilaahay ku marin kala mid weeyaane!” ayaan waxaan goostay bal inaan Shacabka Soomaliyeed la wadaago Maansooyinkiisii qaar kamid ah kuwaasoo aan filayo inaay intii aan Aqoon Abwaan Galayax u iftiimin doonaan  qoon dheeraad ah bal aan ku biloowno mid kamid ah Maansooyinkiisii Geela oo ahayd middii lagu saaray taashka boqornimo ee Amaanta geela waxaayna u dhacday sidaan.

Haddaan baawar kama waayayee, bilo dhaqaaleeyo

Barrimada caleentana leh haddaan, bariba meel geeyo

Markay balaxsi doontana haddaan, dhanaha boobsiiyo

Bartuu fadhan ku yaallana haddaan, baalash kaga jiido

Middii aan dhukaan bido haddaan, biimo ku ogaado

Goortii ay bogsootana haddii aan, badhika fuudsiiyo

Haddaan baanto xooluhuba way, badan xumaadaane

Baadida lumaysiyo haddaan, baylah ka ilaalsho

Bahalkiyo waraabaha haddaan, Baar ka celinaayo

Haddaan baytimaal kuma gashee, Buro xannaaneeyo

Inay bulanto mooyee haddii, bixinta loo diido

Haddaan naago kuma baayacee, baali laga dhiibin

Barbaarnimiyo doobnimo haddaan, baaqi ku ahaado

Anigoo basaas qaba haddaan, bawdka hore seexdo

Boolbaraha ciiddiyo haddaan, boorashka u jiifo

Waa baxarka gelee haddaan, bidho ku haaneedo

Bakhayl magac ma yeeshee haddaan, bixiyo dheefteeda

Haddaan labanka Boodey martida, ugu bashaasheeyo

Bun haddaan u dubo oo wadaad, baro ku yaasiimo

Haddaan baraha jiilaal kobtii, baadle ku ekeeyo

Oon baagamuuddiyo u huro, inaan ka baashaalo

Bandarada magaaliyo haddaan, balad u moogaado

Buugtiyo iskuullada haddaan, barashadood daayo

Haddaan kabo banbiira ah toshiyo, rabadhka baabuurta

Haddii anan bashlaynine xarrago, baal isaga tuuro

Baqoole iyo guuraba haddaan, baadhi la ahaado

Bilaheeda oo idil haddaan, Baayir daba joogo

Barigay dhalaysana haddaan, boqon ku seeteeyo

Barqin horada laba goor haddaan, baaciyoo celiyo

Goortay cabbaar biliqsatay, meel isbabacdaaye

Bishamaha madow iyo markay, buulka hore keento

Bisinkiyo haddii aan u maro, baabaddii nabiga

Haddaan nirigta beydaanka dheer, bogga ka soo jiido

Bishaaraan idhaahdaa intaan, bururo reynreyne

Basarka geela loo dhaqo haddaan, baab walba idleeyo

Intaasoon ku baaqtamay haddaaan, been ka dhigi waayo

Saw badashadiisu waa waxyare, boqol ma dhaafaayo

Inkastoo Maansooyin badan oo dhaxal gal ah kuwaasoo uu Abwaanku tiriyey Waayaddii Gumaystuhu uu Dhulka Soomaliyeed ku Cartamayay.Waayaddii  Xornimadda iyo lixdankii, Kacaankii barakaysnaa iyo Maalmihiisii, Colaaddii Sokeeye oo umula dooxa ahaydba aay aad u badan yihiin haddana aayba keydsan  yihiin balse waxaan Aniga oo aan filayo inaan ahay Shaqsi kahor dhacay Bulsho waynta iyo Abwaaniin badan oo soowadda Taariikhda Mugawayn ee Abwaanka  aanse kusoo gunaanaddo Maansaddii Lix iyo Toban hal oo aad markaad dhexdabaalato ogaaanayso Wax badan oo uu Abwaanku uga gaabsaday Maansadda Waxaayna u dhacday sidaan.

Awel Maanso waataan gurshoo, gooyey waayahane

In dhawayd ka gaban gaabsadoo, wayga garateene

Anigoo an gabin baan nacee, kama gal gaaleene

Lix iyo toban haloo wada gartaya, wawga gaabsadaye

Gabaygu waa yaraa Muxumedoow, gaafihii hore’e

Garka iyo sidaydaas nimaan, guudka ka caddaanin

Goloyaasha lama keeni jirin, gaafka loo tago’e

Maantana Gurbood iyo gabdhiyo, gaban yaroo wiila

Iyo Oday guxuushaaya baa, guusha loo simaye

Gef inay amuurtaasi tahay wawga gaabsadaye

Guubaabo iyo gooddi iyo, gabay ma daayeene

Haddii aan garwaaqsaday intaan gu’ iyo Waa Joogay

Nin gaboobayoo oday noqdiyo, guudcaddaan ahaye

Gefkii iga dhacaa maanta waa, geeri oo kale’e

Inuu godob islaameed I bado, wawga gaabsadaye

Cibaadada ninkii gaar ka mara , guul darraa heliye

Gabbal dhiciyo waagii baryiyo, goor iyo ayaanba

Marna kama gidaadeen fahmada, guulle ii qoraye

Gabayada haddaan shubi lahaa, amase geeraarka

Wuxuu iga galaafanahayaa, garasho diineede

Gelin dhexe habaynkii wardaan, guri’a Laylkiiye

Nin ilaah u go’ay baan ahoo wa uga gaabsadaye

Geddaan anigu soo maray haddaan, gun uga sheekeeyo

Inkastoo barkood go’ay naflaha, geeri bow imane

Raggii Geedka ila joogi jiray, gabalki baa noole

Galka Bari Garoowiyo Nugaal, Garacad meesheeda

Gooddiga Hargaysiyo intii, Guban ka hoosaysa

Gar loo gubay Galbeed iyo Jig-Jiga, Goobba dhinaceeda

Garbahaaraleey iyo dhulkaa, Gedo ka baalleeya

Intaasoon guriyo meelo iyo, gobollo soo sheegay

Anigaa geyiga eebbahay, gabay u teednaaye

Maantana rag badan baw gurmaday, gooha maansada’e

Inay wiilal wada guuxayaan, wawga gaabsadaye

Nin gurbooda lama qayr san karo, guun haddaad tahaye

Midaan hooyadii gurininoo, guriga meeraaya

Aan weli gosheediyo ka bixin, gurada Awrkooda

Hadduu goob walbaba taagan yahay, gabayna tookhaayo

Kolna inaanan garab joogsan karin, wawga gaabsadaye

Gabay Hawle iyo Raage iyo, Gooni baa lumaye

Cali iyo Gahayr iyo Qamaan, geeri baw timide

Ismaaciilna mawd baa genbiyay, waana tuu go’ye

Afcad wuxuu Gallayr yeyn ogaa, geesigii dhimaye

Galaaskayga nimankii ahaa, gululi weeyaane

Anna goor dhow baan filahayaa, goof la’ii qodo’e

Inay guurtidii eber yihiin, wawga gaabsadaye

Markaan gaban ahaa iyo haddoon, gooman oday yeeshay

Intii aniga geed iyo shir iyo, garan gar lay keenay

Amaan meelo lagu guulay iyo, gogol ka sheekeeyey

Haddii  anan gabaro weyn ku helin, guuyo iyo xoolo

Inaan faa’ido laga gaara hayn, wawga gaabsadaye

Haddii anan gobaadoo dhashiyo, geri ku taabaynin

Ama anan gamaankii fardaha gorey ka fuulaynin

Ama anan garaaddiyo billado garabka saaraynin

Waxba gooddiggiisiyo ma rabo, gole kasheeggiise

Inaan galala’diisu I anfacayn wawga gaabsadaye

Nin ragihi wuxuu galay amuu, gudeyba loo diidye

Haddaad geesi tahay meel walbaba, cadawga guulaaya

Giiryaalihii kula dhashaa gaalo, kaa necebe

Inaan xaasid gacal kuu ahayn, wawga gaabsadaye

Adduunyadaba gaasiran ninkii, gaan ahaan jiraye

Ninkii gacanta lala yaaci jiray, waa gabbanayaaye

Ha yeeshee gadaal niman dhashiyo, gaacufyaa kacaye

Anba gabay ragbaa igu qabsaday, iina gooddiyaye

In adduunku gaafaysi yahay wawga, gaabsadaye

Shir la gooday waayeel gabraday, talo la goyn waayey

Guddi ururtay niman gaan ahoo, gararka feeraaya

Xaajada guyaal iyo guyaal gees, u dhici wayday

Garaad iyo wax loo sooci jiray, guud-caddow odaye

Haddana geedka wiilkii yar baa, gic isa soosiine

Haddaanse guushey kani, waa adduun gees u foorare

Inba aakhir sabankii la galay, wawga gaabsadaye

Gabdhaheenna waxaa loo yiqiin, haybad gooniyahe

Goshay xiran jireen …maryaha loo garraarsado’e

Gobna waxay ahaayeen intay, guudka dabayeene

Maantana gad baa lagu arkiyo, guul darriyo ceebe

Garoob waalan iyo waxaa ka haray, goroyo food dheere

Adigoo gidaar uga horyimid, kaama gudayaane

Hiddiihiina waa garab mareen, gaar ahaan jiraye

Iyagoon ninama guursan bay, wada ganbaysteene

Haweenkeenna dhaqankii geddiyay, wawga gabsadaye

Gooraan Fardood iyo Darmaan, Galow ka dheeraysa

Sayidkiiba geel iyo lo’ iyo, godol wuxuu haystay

Arlaa’iga wuxuu daar gin gimay, gulufna heenseeyey

Gubnigii Daraawiish wuxuu, gaasas bixinaayey

Gumaysiga wuxuu laayay oo, Gaal la diriraayay

Gebo-gebo intuu dhigay wuxuu, libin ku geeraaray

Waxuu naago goba guursadoo, aqallo gawriirshay

Intaasoo gallada oo ilaah, ugu gar gaaraayay

Gegi buu ka taaganaa cid la’ah, maalintuu go’aye

Nimanakii godka u qoday ma cunin, gudurki duugeede

Gadaal xumida dunidaan arkoo, wawga gaabsadaye

Garaad nimaan lahayn baan ogayn gaadistii Malage

Gugaan manta joogiyo hadaan gadaha faalleeyo

Gantaalaha Malagii haystay iyo gamaska mawdkayga

Markuu ruuxa iga goyn lahaa waala soo galaye

Inay taasna igu guullan tahay wawga gaabsadaye

Inkastoon gu’yaal badan cimriga, gelimo sii joogo

Maraan go’aba Mawdkii rabbaa, ii gadaal imane

Godna waa i sugayaa qabuur, guda ciriiryoone

Gabnahaa agoontoobi iyo, gaaryahaan qabo’e

Intaanan ciidda hoosteeda galin, wawga gaabsadaye

NB:Wixii Qalad iyo Gaf ah Shaaydaan baay usugnaatay.

Cali Yaasiin Gurbe
Email: Caliyare200@hotmail.com
Sweden.

Isha Ku Hay Allgalgaduud media
allgalgaduud@gmail.com