Ex-Xildhibaan Hilowle Aden Oo Ka Warbixiyey Khilaaf Ka Taagan Xulashada Ergada Gobolka Gedo Ee Shirka Kismaayo.*Dhageyso*

0

hilowle-1Kismaayo (AGGM): Hilowle Aden Maxamuud oo horey ugu tirsanaa Madaneyaasha Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya, haatana ka mid ah Ergooyinka Gobolka Gedo uga qeyb galaya Shirka Dhismaha Maamul u sameynta ee ka Soconaya Magaalada Kismaayo ayaa sheegay khilaaf xoogan in uu ka taagan yahay Qaabka loo qeyb sanayo Ergooyinka Gobolka Gedo u matali lahayd shirkaasi oo uu sheegay in ay gaarayaan ilaa 180 xubnood.

Hilowle oo Maanta Magaalada Kismaayo kula hadlayey Warbaahinta ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay habka la doonayo in wax loo qeybsado in ay marin habaabin ay ku wadaan shaqsiyaad caadeeystey musuq maasuq, Cadiifad iyo sad bursi, isagoo sheegayna Qorsha ay wataan Shaqsiyaadkaasi in uu yahay mid aanan la aqbali doonin ama aanan meel mari doonin.

Hilowle ayaa Xusey Ergooyinkii kale ee Matali lahaa Gobolaada Jubbada dhexe iyo Jubbada hoose in Beelaha degan Goboladaasi ay u qeyb sadeen si Cadaalad ah, balse waxaa uu nasiib daro ku tilmaamay arinta Gedo in ay jeebkooda ka muumalayaan Shaqsiyaad damaaci xun oo ka soo jeeda Beesha SADE, waa siduu hadalka u dhigaye, isla markaana ay ku fashilmi doonaan.

Hadalka Siyaasiga Hilowle ayaa ku soo aadaya xili ismari waa dhanka Qaabka loo xulanayo Ergada Gedo ee Dooran lahayd Madaxweynaha Jubboland uu u dhaxeeyo Ergooyinka Beesha SADE ee ka yimid Gobolka Gedo.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/05/Ex_xildhibaan_Hilowle_wareysi.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Aden Xasan, Kismaayo/Somalia.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com