Madaxweynaha Uganda Oo Ugu Baaqay Dhalinarrada Waxbartay In Ay Ku Biiraan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

0

MALTA COMMONWEALTH MEETINGAddis Ababa (AGGM): Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musafeni oo ka mid ahaa madaxdii ka qeyb-gashay shirkii urur gobolleedka IGAD ee ku soo dhamaaday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa ugu baaqay dhalinyarrada waxbaratay ee Soomaaliyeed in ay ku biiraan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed si dib loogu soo celiyo xasiloonida Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay madaxweynaha dalka Uganda in ay lagama maarmaan tahay dib u dhiska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, sidaa daraadeed looga baahan yahay dhalinyarrrada Soomaaliyeed ee ka baxday dugsiyada sare iyo Jaamacada dalka in ay qortaan ciidamada.
”Waxaan ugu baaqayaa dhalinyarrada ka baxday Jaamacadaha ee shaqo la’aanta ah in ay ku biiraan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, si ay wax badan uga badallaan hab dhaqanka ciidamada,” ayuu yiri madaxweynaha dalka Uganda.
Yuweri Musafeni ayaa sheegay in Soomaaliya iyada looga baahan yahay in ay sugato amnigeeda, madaama ciidamada midowgga Africa ee kaalmeynaya yihiin kuwo waqti kooban joogaya.
Warka ka soo yeeray madaxweynaha dalka Uganda, ayaa la mid ah war horay uga soo baxay wasaarrada gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya oo ugu baaqday dhalinyarrada aqoonta leh in ay ku biiraan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com