Madaxweynaha Soomaaliya Oo Dib Dalka Ugu Laabtay Maanta.

0

xasan sheekh safarMuqdisho (AGGM): Waxaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya Madaxwaynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo kuwaa oo Magaalada Adis Aababa uga qayb galayay shirka Uruur Gobaleedka IGAD.

Garoonka diyaaradaha Aadan cade ayaa waxaa ku soo dhawayay xubna kala duwan oo ka socda Xukuumada kuwaa uu horkacayo Rai,sal Wasaare Saacid waxa uuna garoonka kula hadlay Madaxwaynaha Saxaafada .

Waxa uu sheegay in socdaalkii ay ku tageen Itobiya uu si wacan ugu soo dhamaaday asaga oo dhanka kale sheegay in uu kulma la soo qaatay Madax kala duwan oo ka socda Dalalka Uruurka ku jira .

Waxybaaha aan badanaa miiska noo saarnaa ee aan ka hadalnay waxaa u badnaa xal u halida dalka ayuu yiri Madaxwaynaha waxa uuna carabka taabsiiyay in kulama si kala gooni gooni ah ula qaatay hugaamiyaasha Itoobiya iyo Kenya .

Socdaalka ayaa imaanaya xili dhawaan la filayo in uu u ambabaxo Magaalada London oo la filayo in uu kaga qaybgalo shirka looga tashan dooo aayaha Soomaaliya ee lugu wado halkaa in uu ka furmo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com