Wararki Ugu Dambeeyay Maanta Iyo Xaalada Magaalada Kismaayo.

0

top newsKismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaaan in xalay falaagada argagixisada ah ee  Al Sahabaab weerar gaadmo ah ay ku soo qaadeen garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo kuna garaaceen madaafiic, halka habeen horena ay madaafiic iyo rasaas fool ka fool ah isugu dareen.

Falaagada Al Shabaab ayaa waxa ay magaalada Kismaayo u jiraan wax ka yar 17km, waxa ayna duqeeyn u geeysan karaan gabi ahaan goobaha muhiimka ah ee magaalada Kismaayo.

Kadib qabashadii magaalada kismaayo ayaa gabi ahaan waxaa joogsaday hawlgaladii ka dhanka ahaa falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab iyada oo dadki la doonayay inay iska xoreeyaan falaagada Al Shabaab lagu mashquuliyay shir aan miro dhaleeyn.

Falaagada Al Shabaab ayaa waxa ay ka arrimiyaan gobolada Jubbooyinka intooda badan,sida Jamaame, Jilib, Xagar, Bu’aale, Salagle, Saakoow, Baardheere, Buurdhuubo iyo deegaanada hoostaga.

May jiraan illaa hadda wax war ah oo kasoo baxaya kooxaha isku haya gacan ku heeynta gobolada Jubbooyinka oo ku aadan weerarkan habeenki labaad ay falaagada Al Shabaab ku soo qaadeen magaalada Kismaayo.

Isku soo wada duuboo arrimahan cakiran ee ka taagan magaalada Kismaayo ayaa haddaan dowladda Soomaaliya xal deg deg ah u keenin, waxa ay fursad weeyn siinaysaa in falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab dib ulla wareegaan magaalada Kismaayo amaba si kadis ah uga geeystaan xasuuq balaaran.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com