Shirka London Ka Furmaya Dhawaan Oo Looga Dooday Nairobi.*Daawo Sawirada*

0

DW4Nairobi (AGGM): Dood looga hadalayay aragtida Soomaalida ee shirka London iyo waxa ka soo baxi kara oo uu soo qaban qaabiyay Machadka Dooxada Rift ayaa maanta lagu qabtay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah guddiga ay dowladda Soomaaliya u xilsaartay qaban qaabada shirka ayaa sheegay in shirka uu yahay mid ka dhashay kulankii ay horay u yeesheen madaxweynaha Soomaaliya iyo raysul wasaaraha Britain, David Cameron.

Shirka ayuu sheegay in uu ku yimid horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay ee dhinacyada nabadda iyo ammaanka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu xusay in ay shirka ka soo qeyb gali doonaan in ka badna 55 dowladood iyo hay’ado caalami ah, ayna wada guddoomin doonaan dowladda Britain iyo madaxweynaha Soomaaliya.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Nairobi, Maxamed Cali Nuur (Ameerika) oo isna doodda hadal ka jeediyay ayaa sheegay in qodobbo ay ka mid yihiin tacaddiyada haweenka iyo arrimaha garsoorka ay noqon doonaan muhiimadda shirka London.

Doodda ayaa sidoo kale lagu gorfeeyay waxqabadka iyo kaalinta qurbajoogta ay ka qaadan karaan dib-u-dhiska dalka oo dadkii ka qeybgalay ay iftiimiyeen in ay muhiimad gaar ah leedahay.

Waa dooddii labaad oo nooceeda ah oo Machadka Dooxada Rift uu qabto, horay waxaa dood loogu qabtay magaalada Muqdisho.

Shirka London ayaa lagu wadaa inuu Talaadada soo socota ka furmo magaalada London ee caasimadda Britain.

DW4

DW2

DW3

DW5

Isha Ku hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com