Dowladda Soomaaliya Oo Diyaarisay Ciidamo U Gaar Ah Amaanka Muqdisho.

0

ciidamada amaankaMuqdisho (AGGM):14 bishii la soo dhaafay kadib waxaa magaalada Muqdisho ka bilaawday maalmo loogu magac daray maalmaha amaanka Muqdisho, kadib Markii shabaab Qaraxyo iyo Rasaas la dhaceen Qareeno, Shacab iyo dad kale oo Xiligaas ku sugnaa maxkamada Gobolka.

Madaxweyne Xasan ayaa u sheegay saxaafada inta uusan aadin Magaalada Addis Ababa shalay in la Diyaariyay ciidan uu u dhamaystiran yahay qalabkiisa iyo tababarkiisa kaasoo la wareegi doona sugida amniga magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya

Madaxweyne Xasan  ayaa sheegay in ciidamadaas oo ah kuwo boolis ah ay wax badan ka bedeli doonaan amniga Muqdisho.

Sidoo kale wasaarada arimaha Gudaha iyo amniga Qaranka ayaa dadaal ugu jirta iney diyaarineyso ciidamo gaar ah oo sugi doona amniga Muqdisho.

Isha Ku hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com