War Deg Deg Ah: Haweeney Doonaysa Inay Isku Qarxiso Jaamacada Kismaayo Oo La Qabtay.

0

breaking_news-620x3301Kismaayo (AGGM): Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in ay Haweeney doonaysa inay isku qarxiso hoolka shirarka Jaamacada magaalada Kismaayo ay gacan ku dhigeen ciidamada amaanka ee ku sugnaa halkaasi.

Warkan ayaa intaas waxa uu ku darayaa kadib marki la qabtay Haweeneyda  lagana furay Bomki ay sidatay ayaa isla goobtaas waxaa ku toogtay maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Ilaa hadda ma ay jiraan wax war ah oo kasoo baxaya horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni iyo kuwa ciidamada Kenya ee ku sugan halkaasi.

Isku soo wada duuboo dadkan naftooda haligaya ayaa waxa ay aad ugu soo badnayaan magaalooyinka waaweyn ee lagala wareegay gacan ku heeyta falaagada Al shabaab.

Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com