Warbixin Dhab Ah: Xasuuqa Ka Socda Magaalada Gaarisa Ee Lagu Ugaarsanayo Beesha Sade Iyo Beesha Arrimahasi Ku Kacday.

0

genocide3Warbixin: Maalmahan waxaa magaalada Gaarisa ee waqooyi bari ee dalka Kiiniya ka socday xasuuq baahsan oo lagula kacay  shacab soomaaliyeed oo qaarkood meherado ganacsi ku laayaheen magaalada Gaarisa sidoo kale waxaa jira dhaawacyo halis ah oo iyagana yaala isbitaalka magaalada Gaarisa. Waxa kale oo jira dhawr ruux iyana xabsi ku jira.

Goob Jooge ku sugan magaalada Gaarisa oo Shabakadda Allgalgaduud uga waramay xaaladahaasi ayaa shaaca ka qaaday in dhamaan dadkaasi gebi ahaantood ay ka soo jeedaan Gobolladda Galgaduud Iyo Gedo.

Goob joogahan ayaa shaaca ka qaadey qabiilada ay dadkaasi ka soo jeedaan iyo sababaha kalifey dilkooda,waxaana uu goob joogahani sheegey in dhamaan dadkaasi la dilay, kuwa xiran iyo kuwa dhaawaca ah ay leeyihiin sharciga kibaandhaha ee dalkaasi kiiniya.

Goob Joogahani waxaa uu daboolka ka qaaday in dadkaasi la dilay laba ka mid ahi walaalo ahaayeen isla markaasna ay ka soo jeedaan beesha Cali Dheere Ee Beesha Sade,Waxaana sidoo kale la sheegey qofka saddexaad ee la dilay uu ka soo jeeday Beesha Reer Garaad ee isla Beesha Sade.

Labada Wiil ee Beesha Celi Dheere ka soo jeeda ayaa la shaaciyey inay ahayeen shaqaale ka tirsan shirkadda  Barwaaqo ee magaalada gaarrisa,Waxaana labadaasi wiil mid magaciisa lagu soo gaabiyey Cabdiqani,waxaana ay ahayeen dhalinyaro iska ganacsada oo si weyn looga yaqaanay magaalada gaarisa.

Dhinaca kale waxaa dhaawac culus ah Wiil isna ka soo jeeda Beesha Reer Siyaad ( Diini ) Waxaana la sheegey in xaaladiisa caafimaad aad u liidato,waxaana la sheegaya aa inuu wali ku jiro isbitaalka Magaalada Gaarisa. Sidoo kale waxaa la shaacinayaa inay xabsiga magaalada Gaarisa ku jiraan in ka badan 10 ruux oo dhamaantood ka soo jeeda Beesha Sade.

Beesha la Shaaciyey inay Dilalkaasi Fuliyeen:

Goob Joogahani waxaa uu daboolka ka qaaday inay dilkaasi Beesha Ogaadeen gaar ahaan Qabiilka Caabudwaaq, oo la sheegey inay arrimahaasi u dileen khilaafka ka taagan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose,waxaana la sheegeyaa in si toos ah loo garanayo dadka dilkaasi gacantooda ku fuliyey.

Goob Joogahani waxaa uu sheegey inaysan ciidamada dalka kiiniya dilkaasi aysan fulin,waxaana la sheegey in rag ka soo jeeda Beesha Caabudwaaq si bareer ah arrimahaasi u fuliyeen. Dilkan foosha xun ayaa xamaasad baahsan ka kiciyey magaalada gaarisa iyadoo maamulka magaalada iyo culima awdiinku arrintaasi aad uga xumaadeen sheegeena inay soo qabanayaa dadkii dilalkaasi fuliyey.

Gebagabadii waxaa dilalkan iyo xasuuqan lagu hayo dhalinta beesha sade ee ku sugan magaalada gaarrisa uu salka ku hayaa arrimaha ka taagan gobollada jubooyin iyo dilal hore sida la sheegayo,mana jiraan wax jawaab ama hadal ah oo masuuliiyiinta beesha sade ka bixiyeen arrimahaasi.

Waxaan idin balan qaadeynaa inaanu iidin soo gudbino magacyada dadkaasi dhintey,kuwa xiran iyo kuwa dhaawaca ahba saacadaha fooda inagu soo haya.

Aadan Maxamed Cali, “Jaangoo”
Garissa, Kenya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com