Shabakadaha Maamulka Faroole Oo Faafiyay Warar Been Abuur Ah.

0

been abuurWarar ay faafiyeen Websedydo Laga leeyahay Maalulka Faroole ayaa lagu sheegay in dowlada somaliya ay badashay qadobo ka mid ah Dastuurka somaliya.

Qodobo Gaaraya ilaa 11 qodob ayay ku andacoodeen in wax laga badalay waxna lagu daray waxaana fajac iyo yaab noqotay markii ay kusoo dareen qodobadaas labo qodob oo ay qofkasta u muuqato in ay   been abuur tahay taas oo ay ka mid yihiin ( mudada madaxweynaha uu xilka haynayo oo ay sheegeen in ay ahayd 5 sano hadana lagadhigay 4 sano).

Qof kasta oo arka qodobkan wuxuu horay ka xaqiiqsanayaa in ay hadalka maamulka faroole uu yahay (nin ceel ku dhacay cididiis meelkasta ayay ku taal) maxaa yeelay macqul ma aha in madaxweynuhu waqtigiisa qaar ka tago oo uu ku soo gaabsado 4 sano halkii uu haynlahaa 5 sano.

Qodabka kasii qosolka badnaa ayaa ahaa shaki galinta in Muqdish tahay Caasimaga Qaranka somaliya taas dad bani ay u arkeen in Kooxda faroole ayasan rabin somalinimo iyo in ay hirgasho dowlada somaliya sababo la xariira qabyaalad iyo sadbursi qar iska tuur ah.

Su aasha la is waydiinayo ayaa ah hadii faroole la yiraah oo awood loo siiyo in uu doorto caasimad xagee ka dhigilahaa? jawaabtu qofkasta oo caqli leh waa u cadahay lakin waxan ogan doonaa halka ay ku danbayso maskaxda aan marjica lahayn ee kooxdaas halka ay ku danbayso

W/Q Tifaftiraha Gaalkacyo24.com  Ustaad  Cali Mudug
Nala Soo Xiriir  Gaalkacyo24@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com