Ciidamada Dowladda Oo Xiray Wadooyinka Waaweyn Ee Magaalada Muqdisho.

0

wadooyinkaMuqdisho (AGGM): Saakey Aroornimadii hore waxaa dadka magaalada Muqdisho ku soo tooseen iyadoo wadooyinka Muqdisho intooda badan ay xiran yihiin, islamarkaana aysan isticmaali karin gaadiidka nooc kasta oo uu ahaado aan ka ahayn gawaarida Ciidamada Dowladda.

Sidoo kale Wadooyinka la dareemay dhaqdhaqaaq la’aanta waxaa ka mid ahaa wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan inta u dhexeysa isgoyska Dabka illaa Baar Fiat oo ku yaalla KM-0 ama agagaarkii Ex-hotel Jubba, waxaa kaloo xiran Wadada Maka Al-Mukarama ilaa garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Magaalada Muqdisho wadooyinka xiran waxaa kale oo ka mid ah wadooyinka ka yimaada fagaaraha Tarabuunka iyo isbitaalka Banaadir ee isugu taga isgoyska Km4, iyadoo waxa kalaiya ee la ogolyahay ay tahay dadku iney lugeeyaan, waxaana caadi u furan goobaha ganacsiga ee ku yaala hareeraha jidadka xiran, iyadoo wado kasta aad ku arkaysid ciidamada Dowladda oo taagan.

Dhammaan Wadooyinka magaalada waxaa lagu arkayaa Ciidamada Booliska, kuwa Nabad sugida iyo Taraafikada, iyadoo ciidamadaasi buuxiyey wadooyinka magaalada , iyagoo dib u celinaya gaadiidka shacabka ee doonaya iney wadooyinkaas maraan ama isticmaalaan.

Wadooyinka xiran ayaa la sheegay inay saameyn ku yeelatay ardaydii u kallahaysay  iskuuladooda iyo shaqaale howlahooda u socday oo waayey gaadiidkii qaadi lahaa, lamana oga illaa iyo hadda sababaha rasmiga ah ee loo xiray waddooyinkaas, balse waxaa jira warar iskhilaafsan oo qaarkood ay sheegayaan in magaalada ay ku soo wajahan yihiin wufuud caalami ah, halka warar kalena ay sheegayaan in madaxda sare ee dowlada qaarkood ay kormeero ku marayaan xarumo ku yaala magaalada Muqdisho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com