Wararki Ugu Dambeeyay Maanta Iyo Laba Ruux Oo Lagu Dilay Gudaha Magaalada Kismaayo.

0

top newsKismaayo (AGGM): Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in gudaha saldhiga Booliska magaalada Kismaayo uu fal dil ah ku geeystay mid kamid ah maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Marxuumka la dilay ayaa waxa uu ka tirsanaa ciidamada Dowladda Soomaaliya ee iyaguna fariisinta ku leh saldhiga Booliska ee magaalada Kismaayo waxa uuna kasoo jeeday beesha Sade.

Gacan ku dhiig laha dilka geeystay ayaa waxaa gacanta ku soo dhigay ciidamo ku sugnaa saldhiga Booliska magaalada Kismaayo kuwaa oo u taxaabay xabsiga magaalada Kismaayo halkaas oo ay marki dambe isna kala soo baxeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo isla goobtaas ku toogtay gacan ku dhiig lihi dilka geeystay.

Ma ay jiraan ilaa hadda wax dhaq dhaqaaq ah amaba xasarad ah oo la xiriira labadan dil ee ka dhacay maanta gudaha magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale kooxihi isku sheegayay inay wadaan shirki lagu yagleelayay maamul goboleed la magac baxay Jubbaland ayaa warkooda iska shuuqay kadib tagisti magaalada Kismaayo Ee Col. Bare Ade Shire “Bare Hiiraale”.

Isku soo wada duuboo weli waxaa foolanaysa magaalada Kismaayo oo ilaa hadda la il daran foosha balse sida muuqata dhali doonta wiil sita calanka Soomaaliyeed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com