Madaxweyne Xasan Oo Gaaray Magaalada Garoowe.

0

xasan sheekh safarGaroowe (AGGM): Waxaa Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal gaaray Wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoona halkaasi ay kusoo dhaweeyeen Madaxda sare ee Maamulka Puntland.

Madaxweyne Xasan oo barqanimadii maanta ka duulay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya Xubno ka tirsan labada Gole ee Dowlada Soomaaliya.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamul Goboleedka Puntland, ayaa waxaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Dr. C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole).

Soo dhaweynta Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa ka qeyb qaadanayay Dadweyne aad u fara badan oo isugu soo baxeyn wadooyinka waaweyn ee Magaalada Garoowe.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo galbiyay dhinaca Dhismaha Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe, halkaasi oo uu kulamo kula qaadan doono Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland.

Wararka la helaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maamuud uu Maamulka Puntland kala hadli doono Arrimo ay ka mid yihiin shirka dhawaan ka dhacaya London, xiriirka labada dhinac iyo Arrimo kale.

Lama oga in Madaxweyne Xasan Sheekh uu caawa ku hooyan doono Magaalada Garoowe iyo in kale, iyadoo safarka uu maanta ku tagey Magaalada Garoowe uu yahay midkii ugu horeeyay uu Gobolkaasi ku gaaro tan iyo intii loo doortay xilka Madaxweyne-nimo ee dalka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com