Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Magaalada Mombasa Kula Kulmay Madaxweyne Uhu Kenyatta.

0

XASAN SHEEKH KENYAMombasa (AGGM): Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Mombasa ee dalka Kenya dhiggiisa wadankaas Uhuru Kenyatta oo uu ka helay  Casuumaad rasmi ah labada madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dalka iyo sidii ay iskaashi buuxa u wada yeelan lahaayeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saaka ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa dalka Kenya ku tagay Casuumaad uu ka helay madaxweynaha dalka Kenya Kenyatta oo u fidiyey marti qaad sarmi ah.

Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya Maxamed Cali Nuur Ameerika ayaa warbaahinta u xaqiijiyey kulanka labada madaxweyne,wuxuuna sheegay iney ka wada hadleen adkeynta cilaaqaadka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Dowlada Kenya oo door ku leh siyaasada Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirtay sidii ay xiriir dhow ula yeelan lahayd dowlada Soomaaliya oo ka baxday kumeelgaarnimadii,Socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Kenya ayaa waxaa ku wehlinaya masuuliyiin ay ka mid tahay wasiirka arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah Fowziya Yuusuf Xaaji iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com