Falaagada Al Shabaab Oo Dagaal Culus Ku Dhexmaray Deeganka Raama-cadey.

0

shabaab ajnabiBaydhabo (AGGM): Wararka ka imaanaya deeganka Raama-cadey oo ka tirsan Gobolka Bay ayaa sheegaya in halkaas ay ku dagaalameen Ciidamo uu watay Abuu mansuur Al-Amriiki iyo kuwa ka amar qaata Hogaamiyaha shabaab axmed cabdi Godane.

Dagaalkan oo ahaa mid aad  u kulul ayaa la isku adeegsaday Hubka Nuucyadiisa kala duwan, waxaana ka dhashay qasaare aad u wayn oo soo kala gaaray.

deegaanka Raama-cadey ay ku dagalameen dagaal-yahano uu watay Abuu mansuur Al-Amriiki iyo kuwa Godane ayaa la sheegay in ay kacsan tahay.

Gaadiid Tikniko ah oo uu watay  Abuu Mansuur Al-amriiki ayaa la sheegay in ay wada u galeen gabar ka tirsan faalagada Al Shabaab oo ka amar qaata horhoogaha falaagada Al Shabaab  Inna Godane.

Abuu mansuur Al-Amriiki ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa uu soo dhigay bartiisa-Twitter-ka soo dhigay in  uu ka badbaaday Dil uu sheegay in uu soo maleegay axmed Godane.

Sidoo kale Warbaahinta Caalamka ayaa si xoogan uga hadashay Khilaafka dhexyaala Hogaanka ururka Al-shabaab. waxayna ahayd dhawaan markii Ibraahim Afgaan oo ka mid ah Hogaamiya-yaasha sar-sare ee al-shabaab uu warqad uu kaga cabanayo Hogaamiyaha falaagada Al-shabaab Axmed godane u diray Hogaamiyaha Al-qaeda Ayman Al-zawaahiri.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com