Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ee Dalka Britain Oo Dib U Furey Safaaradii UK Ee Muqdisho 22 sano Kadib.

0

calanka_britainMuqdisho (AGGM): Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalka Britain William Hague oo safar aan horey loo soo shaacin ku tegey magaalada Muqdisho ayaa xariga ka jaray Safaaraddii UK ku lahayd Muqdisho, taas oo aan shaqeyneyn muddo 22 sano ah.

William Hague oo ka hadlaya furitaankii Safaaradda ayaa yiri, “Waxaa maanta i farxad gelinaya in aan ku dhawaaqo 22 sano kadib, markii la daadgureeyey shaqaalihii diblomaasiyiinta ee UK ka joogey Mogadishu, in Calankii kor loo qaadey maantana dib loo furey safaaradii. Soomaaliya isbedel la yaableh ayaa ka dhacay sanadkii u danbeeyey inkasta oo caqabado waaweyn weli hortaagan yihiin. Ma ahan in aan khiyaali u aragno waxyaabaha loo baahan yahay in dedaalka la gaarey lagu hayn karo, Hague ayaa yiri kadib furitaankii Safaaradda, Tani waxay marag u tahay horumarka Soomaaliya dhanka nabadda ka gaartey.

Waxaan Caalamka u sheegaynaa in aan joogno Muqdisho, Soomaaliyana ay u furan tahay dib u dhis iyo hor marin,  Waxaana ku rajo-weynahay in Caalamka kale ku dayan doono tallaaabadada UK qaadey, ayuu yiri Xoghayaha Arrimaha dibadda ee UK.

William Hague ayaa sheegey in ay si dhaw ula shaqeyn doonaan dowladda Soomaaliya, shaqadaas oo taabanaysa dhinac kasta amniga, la dagaalanka argagixsimada, burcadbadeeda, arrimaha Bani’aadanimada.

Safaaradda ayaa laga dhexfurey xarunta ay degan tahay dowladda Soomaaliya maadaama dhismihii Safaaradii UK ay burbursan tahay.

Dib u hawlgelinta Safaaradda Uk ee Soomaaliya ayaa ku soo beegmeysa iyada oo laba todobaad ka dhiman tahay shirka Soomaaliya looga hadlaayo oo lagu qabanaayo London, kaas oo ay Dowladda Ingriisku soo qabanqaabisey.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com