Xildhibaan Xiish Muuse Cowl "Waa In Dadku Ogaadaan Madaxweyne Xasan Sheekh Somaliland Aqoonsi Masiin Karo"

0

baarlamaanka2_large2Muqdisho (AGGM): Xiish  Muuse Cowl oo ka mid ah Xildhibanadda Baarlamanka Soomaaliya kana soo jeeda Deeganadda Maamulka Somaliland oo la hadlayay Warnaahinta gudaha ayaa waxa uu ka hadlay Mooshin ay Xildhibanadda Baarlamanka Shalay ku doonayeen in ay kaga doodaan Heshiiskii ay wada Saxiix deen Soomaaliya iyo Soomaaliland kulankaa oo ugu danbeentii Baaqday.

Xildhibaanka ayaa ku tilmaamay Moshin in laga Keno heshiiska Somaliya iyo Somaliland mid aan wanaagsaneen islamarkana aan loo baahneen hadii lagu adkeesto mooshinkana waxa uu ku tilmaamy mid Waji gabax lagala kulmi karo.

Xildhibaan Xiish  Muuse Cowl ayaa sidoo kale waxa uu ku tilmaamay Heshiiska ay gaareen Soomaaliya iyo Somaliland in uu yahay mid wanaagsan, shacabku waa in ay ogaadaan in  Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo qofkaleba in ay Somaliland Aqoonsi sii Karin oo taa go’aankeeda ay leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibanadda Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxa ay qaar ka mid ah ay ku hoowlan yihiin sidii ay wax uga dhihi lahaayeen ugana doodi lahayeen Heshiiskii Dalka Turkiga ku gaareen Madaxdda Dowladda Federaalka Soomaliya iyo Maamulka Somaliland.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com