Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Dib U Fureyso Safaaradeedii Soomaaliya.

0

James MugumbeKampala (AGGM): Dowlada dalka Uganda  oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya hormuudna ka ah howlgalka nabad-ilaalinta midowgga Africa AMISOM aya sheegtay in ay dib u fureyso safaaradeedamagaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Wasaarrada arrimaha dibada dalka Uganda ayaa sheegtay in ay dooneyso in safaaradooda Soomaaliya ay dib u hawlgaliyaan maadaama ay Uganda ka mid tahay dalalka saameynta weyn ku leh  xasilinta dalka Soomaaliya.
James Mugumbe  oo ah xog-hayaha wasaarada arimaha dibadda dalka Ugandaoo ka hadlayay kulan ay lahaayeen baarlamaaanka dalkaas ayaa ka dalbaday in mudanayaasha baarlamaanka Uganda ay meel mariyaan 2.8 oo shilinka dalkaas ah si ay safaaradooda Soomaaliya dib ugu furaan.
Waxaa uu sheegay  in maadaama uu dalka Uganda  kaalin weyn ku leeyahay soo celinta nabadda dalka Soomaaliya ay lama huraan tahay in la helo xarun laga taageero hawlaha adag ee ciidamada dalka Uganda ay ka wadaan gudaha Soomaaliya.
Uganda oo ciidamo fara badan ay ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya kuwaas oo ku hawlgala magaca AMISOM ayaa kusoo biireysa wadamada fara badan oo hore u go’aansaday iney safaaradahooda dib uga furtaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Horay waxaa dalka Soomaaliya dib safaradahoodii ugu furtay dowladdo badan oo heer caalami ah, kuwaasoo safiiro u soo dirsaday dalka Soomaaliya, waxaana ka mid ah dalalka safiirada u soo magacaabay Soomaaliya dowladdaha Mareykanka iyo Britain.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com