Al Shabaabka Magaalada Baardheere Oo Xabsiga Dhigay Labo Dumar Ah Oo lagu Soo Eedeeyay Ka Ganacsiga Tubaakada.

0

baardheereBaardheere (AGGM): Kooxda al-Shabaab ayaa shalay xabsiga u taxaabtay labo
dumar ah oo la sheegay inay ka mid yihiin ganacsatada degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Al-Shabaab ayaa ku eedeysay labada haween inay jebiyeen amar horey ay u soo saartay oo mamnuucayay beeridda iyo ka ganacsiga tubaakada.

Goob-jooge codsaday inaan la shaacin magaciisa, sabab la xiriirta ammaankiisa, ayaa Bar-kulan u sheegay inuu rumeysan yahay in xukun karbaash ah lagu fulin doono haweenka xiran, kaddibna la sii deyn doono.

Kooxda al-Shabaab ayaa deegaannada ku jira gacanteeda waxay ka mamnuucday in la beerto ama laga ganacsado tubaakada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com