Ciidanka AMISOM Oo Miinooyin Ka Saaray Xerada Ciidanka CONGO Ee Magaalada Kismaayo.

0

SOMALIA-UNREST-KENYAKismaayo (AGGM): Kismaayo (AGGM): Ciidanka Midowga Afrika ee ku sugan magaalada Kismaayo oo gacan ka helaya kuwa maamulka ku-meel-gaarka ah ayaa maanta howlgal miino baaris ah ka fuliyay saldhig ciidan oo ku yaalla magaalada.

Xerada CONGO ayaa labo jawaan oo miino ah laga soo saaray waxa ayna saldhig ay deggan yihiin maleeshiyo beeleedka Raaskamboon.

Xerada Congo ayaa horey waxaa u degganaan jiray maleeshiyo ka tirsan al-Shabaab, ka hor intaan laga saarin magaalada.

18-kii March ayay aheyd markii ciidanka AMISOM ay labo miino iyo dhowr bambo ka saareen qeybo ka mid ah isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com