Ciidamada Dowladda Soomaaliya Iyo AMISOM Oo Maanta Baaritaanno Cir Iyo Dhul Ah Ka Sameeyay Qeybo Ka Tirsan Gobolka Banaadir.

0

nabadsugida 2Muqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya Caasimada dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya ayaa saaka aroorti hore howgallo baaritaanno ah si wadajir ah uga sameeyay xaafadda Xamar-jadiid ee degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir, xaafadaha degmoyinkaas oo la sheegay inay ku dhuumanayaan xubno ka tirsan Al-shabaab ay ku leeyihiin Xarumo lagu farsameeyo walxaha qarxa.

Howgalkan oo ah mid ballaaran ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo laga sameeyo xaafaddaas, waxayna dadka deegaanku ay sheegeen in aroortii hore ee saakay ay ku soo tooseen ciidammo fara badan oo dhooban gudaha xaafadahaas.

Qaar ka mid ah dadka ku nool xaafadda Xamar-jadiid ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamadan ay Guri-guri  u  baarayeen xaafaddaas, waxayna dadkaas ay caddeeyeen in dadku  loo diiday in ay guryahooda dibadda uga soo baxaan, waxaana xaafadda dul-haahaabayey diyaaradaha qummaatiga u kaca loo yaqaan ee Helicopter-ka.

Sidoo kale Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay ku baadi-goobayaan baaritaankan dagaalyahanno iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo ku dhuumaaleysanaya xaafadda, waxayna xuseen inay ku raadi-joogaan guryo lagu farsameynayo waxyaabaha qarxa.

Howgalkan ayaan wali ka hadlin Ciidamada AMSIOM oo ka qayb qaadanaya, waxaana howgalkan  uu noqonayaa kii ugu ballaarnaa ee ciidamada AMISOM ay ka qaybqaataan, sidoo kale arrintan ayaa kusoo beegmayo xilli dowladdu ay sheegtay  in magaalada Muqdisho ay ka howlgelinayso ciidammo gaar ah, si kasta ha ahaatee howlgalladan ayaa u muuqda kuwo lagu adkenayo ammaanka caasimadda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com