Wararki Ugu Dambeeyay Maanta Iyo Xaalada Magaalada Kismaayo.

0

top newsKismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya maanta magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in weli qolyihi sheegayay inay maamul u dhisayaan Jubbaland ay u kala jaban yihiin weli laba garab.

Kooxda badda gadatay amaba aan iraahdo’e AZANIA ayaa waxa uu shir uga socdaa Garoonka Diyaaradaha magaalada Kismaayo iyagoo ay horboodayaan Cumar C/rashiid iyo Gaandi, waxaa sidoo kale kooxda badda gadatay garqb socda ama ku biiray Shakuul, halka horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay ugu xareysan yihiin koox iyaguna taageersan fikirka horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Dhinaca kale waxaa magaalada ku sugan rag lagu sheegay inay ka scodaan urur goboleedka IGAD balse xaqiiqdu waxa ay tahay in raggaas ay isku heeyb yihiin kooxahan isku haya magaalada Kismaayo.

Raggan lagu sheegay inay ka socdaa IGAD ayaa waxa ay magaalada u joogaan in ay siminaar u furaan kooxda lagu sheegay inay dooran doonaan madaxweynaha Jabland.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya raggan ka socda IGAD inay ku wargaliyeen horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Mdoobe inuu xilka wareejiyo islamarkaana maleeshiyo beeledkiisa uu ku warejiyo shaqsi kale iyo in dadka ugu xareeysan jaamacada uu ku soo biirayo kooxda badda gadatay ee ku sugan garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, arrintaa oo uu ka biyo diiday horjoogaha maleeshiyo beeledka Raaskambooni Axmed Madoobe.

Kooxda IGAD ayaa waxa ay ku wargaliyeen Axmed Madoobe haduu qaadan talada ay u soo jeediyeen waxii ka imaada in uu isaga qaadayo mas’uuliyadeeda.

Prof. Gaandi oo Xalay ka hadlay Idaacada Radio Kismaayo ayaa waxa uu sheegay in kooxda qabsatay magaalada Kismaayo in ay waxba ka duwaneen Al Shabaab, islamarkaana ay yihiin kuwo kasoo horjeeda Dowladda Soomaaliya.

Waxaa jira iyagun koox kale oo sheegtay inay yihiin musharixiin oo gaaraya 9 ruux oo ku sugan magaalada Kismaayo waloow aan la arag saameeynta ay ku leeyihiin siyaasada jahwareersan ee ka taagan magaalada Kismaayo, balse xogaha hoose ayaa sheegaya in 9kaa musharax inay isku heeystaan midki noqon lahaa Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Jabland maadaama la sheegay madaxweeyne ku xigeen 2aad ee Jabland ay leeyihiin beelaha kale ee Soomaaliyeed.

Isku soo wada duuboo siyaasadahan isdiidan iyo fikirada kala duwan ee ka taagan magaalada Kismaayo ayaa waxa ay dhalin karaan in ay ka aloosmaan magaalaada Kismaayo dagaalo sokeeyo oo dib uga qarxa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com