In Kabadan 200 Oo Qof Oo Ku Dhimatey Iska-horimaadyo Ka Dhacay Dalka Nigeria.

0

BokoHaram2Lagos (AGGM): Waqooyiga dalka Nayjeeriya ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteed dad ka badan 200 qof kadib markii ay iska horyimaadeeen ciidamada Nayjeeriya iyo kooxda Boko Haram, labadii maalmood ee u danbeysey.

Dadka degan goobaha lagu diriraayo ayaa isaga qaxey halkaas, waxaana ay sheegayaan in labada dhinacba hub culus isticmaalayaan.

Dagaalka ayaa ka dhacay magaalada Bega ee waqiiyiga Bari ee dalka Nayjeeriya, waxaana uu bilowdey maalintii Jimcada ee la soo dhaafey, kadib markii kooxda Boko Haram ay soo weerartey saldhig ciidamadu iska ahaayeen.

Dagaalka ayaa xoogeystey gelinkii danbe ee shalay waxaana burbur xoogleh soo gaarey qaybo ka mid ah magaalada.

Kooxda Boko Haram, oo magacoodu la macnayahay, Dhaqanka ama waxbarashada reer galbeedu waa mamnuuc, ayaa dagaal dhuumaaleysi ah kula jirte ciidaamada Nayjeeriya, waxanaa dagaalka labadii maalmood ee u danbeeyey ka socdey waqooyiga dalkaas ahaa kuwii ugu dhimashada badnaa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com