Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Hor Tagay Baarlamaanka Xildhibaannadana Ay Su’aalo Weydiiyeen.*Daawo*

0

WASIIRKA-ARIMAHA-GUDAHAMuqdisho (AGGM): Wasiirrka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka xukuumada Soomaaliya ayaa uga jawaabay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ilaa 10 su’aal oo la xiriira amniga dalka iyo wax ay wasaarradiisa kala socto falal kala duwan oo nabad-galyada ka dhan ah kana dhacay caasimada Muqdisho.
Ugu horeyn wasiirrka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka xukuumada Soomaaliya C/kariin Xusseen Guulleed oo ka jawaabay su’aal aheyd waxa uu kala socdo rag ka tirsanaa Al-shabaab lagala baxay xabsi ay gacanta ku heyso hay’adda nabad-sugida kadibna la toogtay.
”Nasiib darro rag ka tirsan Al-shabaab isku day in ay shirqoolaan ciidamada nabad-sugida kadib markii ay u sheegeen in ay hayaan macluumaad dheeraad ah iyo goobo ay ku dhuumaaleysanayaan Al-shabaab, markii ay ciidamada raggaas raaceen, waxaa ay isku dayeen in ay shirqoolaan, is-rasaaseyn ayaa bilaabatay sidaa ayeeyna ku dhinteen,” ayuu yiri wasiirrka arrimaha gudaha.
Wasiirka arimaha gudaha ayaa wax laga weydiiyey shirkadaha Ajaanibta ah ee dalka ka hawlgala waxa ay wasaaradiisu kala socoto,wuxuuna tilmaamay in dowlada Soomaaliya ay u diiwaan gashan tahay halhay’ada,wuxuuna  qiray iney jiraan hay’ado badan oo ajaanib ah oo ka hawlgala gudaha garoonka Muqdisho iyo xerada Xalane isla markaane ay adeegyo dhanka amniga ah siiyaan ciidamada AMISOM ee dalka Jooga.
Sidoo kale wasiirrka waxaa uu soo hadal qaaday weerarkii horaantii todobaadkan lagu qaaday xarunta maxkamada gobollka Banaadir, isaga oo sheegay in hay’addaha nabad-galyada u maareeyeen weerarkaas sidii ugu habooneyd.
Maalintii shalay ayeey aheyd markii xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya su’aalo weydiyeen ra’iisal wasaarraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com