Sarkaal Ka Tirsanaa Maamulka Galmudug Oo Lagu Dillay Magaalada Gaalkacyo.

0

bastooladGaalkacyo (AGGM): Wararka  laga hellayo magaalada Gaalkacyo ee gobollka Mudug ayaa sheegaya in rag hubeysan saakay ku toogteen garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo sarkaal ka tirsan maamul gobolleedka Galmudug kadib markii laga shakiyay gaari uu la socday.
Wararku waxaa ay sheegayaan in sarkaalka dhintay uu doonayay in uu ka dhoofo garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo, laakiin ilaalada garoonka la sheegay in ay ka shakiyeen garigii uu la socday oo ahaa nooca miraayadaha midow.
Ilaa iyo hadda ma jiro warar intaa dhaafsiisay oo ka hadllaya dilka sarkaalka, waxaana la sheegay in ay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo soo buux dhaafiyeen ciidamo ka tirsan maamul gobolleedka Galmudug.
Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ay ka soo saareen mas’uuliyiinta maamulka Galmudug iyo Puntland ee kala maamula magaalada Gaalkacyo dilka ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha magaalada.
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobollka Mudug ayaa lagu tirayaa in ay ka mid tahay magaalooyinka ugu amaanka darran marka la eego deegaannada maamul gobolleedka Puntland.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com