Ciidamo Xoog Leh Oo Ku Wajahan Baardheere, Buurdhuubo Iyo Falaagada Al Shabaab Oo Dhufeeysyo Qotay.

0

dagaal culusGarbahaarey (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedoa ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada dowaldda Somaaliya oo si aad ah u qalabeysan ayaa waxay qorsheynayaan inay weeraro ballaaran ku qaadaan Degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo garab ka helaaya Ciidamada Dowladda Itoobiya, ayaa waxay soo gaba gabeeyeen qorshihi ay kula wareegi lahaayeen Degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil, oo la hadlay Warbaahinta ayaa wuxuu shaaca ka qaaday, inay weeraro ku yihiin Baardheere iyo Buurdhuubo.

Gudoomiyaha ayaa wuxuu sheegay inay doonayaan inay argagaxisada ka saaraan goobaha ay kaga sugan tahay Gobolka Gedo oo dhan, isla-markaana ay nabad ku soo dabaalaan.

Hase ahaatee maleeshiyada falaagada Al Shabaab ayaa waxay u muuqdaan kuwo doonaaya inay difaacdaan gacan ku heynta Degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo.

Falaagada Al Shabaab ayaa waxaa la soo sheegayaa in xilligaan inta badan maleeshiyaadkooda ay isugu geeyeen inta u dhaxeysa Degmooyinka Garbahaarey iyo Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com