Guddoomiyaha Maxkamada Sare Oo Sheegay In Aan Xil Leyska Saarin Amniga Garsoorska.

0

ilko-xanaf4Muqdisho (AGGM): Guddoomiyaha maxkamada sare ee dalka Ceydiid C/llaahi Ilka-xanaf oo ka mid ahaa boqolal dad ah oo shalay ku dhax godoomay dhismaha xarunta maxkamada gobollka Banaadir oo kooxo hubeysan ku qaadeen weerar qorsheysan ayaa sheegay in aan xil badan leyska saarin amniga garsoorayaasha.

Waxaa uu sheegay guddoomiyaha maxkamada sare in weerarkii shalay uu yahay mid ka tarjumaya sida ay u dayacan yihiin garsoorayaasha dalka, oo sida uu hadalka u dhigay haya shaqo ka culus tan ay hayaan mas’uuliyiinta kale ee dowladda.
”Marar badan oo hore waan sheegay in haddii aysan amni heysan garsoorayaashu wax ay qaban karaan malaha, runtii falkii shalay ka dhacay dhismaha xarunta maxkamada waxaa uu mujinayaan sida ay beylah u yihiin garsoorayaasha,” ayuu yiri Ceydiid C/llaahi Ilka-xanaf.
AMISOM ayuu gaar ahaan ku eedeeyay in ay isku koobeen oo kaliya ilaalada mas’uuliyiinta sare ee dowladda, iyaga oo aan si gaar ah xil isaga saarin sidoo kale ilaalinta nabad-galyada garsoorayasha dalka.
Mar wax wax laga weydiiyay sida ay ku bilaabatay dhacadadii shalay waxaa uu sheegay in isaga oo kulan kula jira howladeenada maxkamada mar kaliya uu dibada dhismaha ka maqlay qarax aad u xoogan, kadibna xigay rasaas culus oo ay ridayeen kooxaha weerarka soo qaaday.
Ceydiid C/llaahi Ilka-xanaf ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiinta dowladda ee sida dirqiga ah looga soo badbaadiyay dhismaha xarunta maxkamada gobollka Banaadir.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com