Dibadbax Looga Soo Horjeedo Falaagada Al Shabaab Oo Maanta Ka Dhacay Muqdisho.

0

banaabax12Muqdisho (AGGM): Banaanbax looga soo horjeedo maleeshiyada Al-Shabaab iyo ficilladeeda ayaa maanta lagu qabtay degmada Heliwa ee gobolka Banaadir, kaas oo uu soo qaban qaabiya ymaamulka degmada Heliwaa, waxaana ka soo qeyb galay qeybaha bulshada ee degmadaasi.

Guddoomiyaha degmada Heliwaa ee maamulka gobolka Banaadir, Cumar Jacfaan ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ummadda dhibaato ku hayso, wuxuuna xusay in shacabka degmada ay ka go’an tahay sidii la isaga kaashan lahaa ka hortagidda falalka cadowtooyada ku saleysan ee maleeshiyada.

Dadkii dibadbaxa maanta ka qeyb qaadanayay ayaa sidoo kale watay boorar ay ku qoran yihiin hal-ku-dhigyo ka dhan ah Al-Shabaab iyo weerarkii shalay ay ka geysteen xarunta maxkamadda gobolka Banaadir ee Muqdisho.

Dhinaca kale, guddoomiye Jacfaan markii uu bannaanbaxa ka soo noqday ayaa gaarigiisa lala eegtay miino, taas oo la sheegay inaanay qofna wax gaarsiin, marka laga reebo burbur ay u geysatay gaariga, miinadan ayaa waxaa lagu aasay waddada dhinaceeda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com