Warar Dheeri Ah: Ciidamada Xooga Iyo Ciidamada Nabadsugida Oo Gaaray Maxkamada Gobolka Banaadir.

0

breaking_news-620x3301Muqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaaalda Muqdisho gaar ahaan Xarunta Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in weerar duhurnimadii maanta rag hubeysan ku qaadeen xarunta maxkamadda gobolka Banaadir waxyar kadib markii niman dharka ciidanka soo xirtay iskuna soo xiray waxyaabaha qarxa ay gudaha u galeen xarunta maxkamadda oo xilligaasi ay ka socotay hawl maalmeedkii caadiga ahaa ee maxkamadda.

Qiyaasti ila todoba ruux oo ku hubeeysan qoryaha fudud iyo bambooyinka gacanta ayaa gudaha u galay xarunta maxakamada gobolka Banaadir halkaas oo ay ku dileen ugu horeeytiiba ilaaladi maxkamadda gobolka Banaadir.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa ilaa hadda inta la ogsoon yahay in dhimashadu gaareeyso ilaa toboneeyo ruux halka aan weli la xaqiijin karin dhaawaca.

Weli waxaa socda hoowlgal ay si wadajir ah u wadaan ciidamada Xooga iyo ciidamada Nabadusgida waxa ayna xireen gabi ahaan wadooyinka ka baxa amaba kuwa soo gala maxkamadda gobolka Banaadir.

Isku soo wada duuboo Ilaa hadda ma ay jiraan cid ka hadashay weerarkan ka dhacay xarunta maxakamadda gobolka Banaadir, waxaa gabi ahaan xiran goobihi ganacsiga ee nawaaxiga Maxkamadda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com