Saraakiisha Dowladda Oo Sheegay In Ay Dhawaan La Wareegi Doonaan Guud Ahaan Gobollada Bay Iyo Bakool.

0

Baydhabo27Baydhabo (AGGM): Saraakiisha dowladda Soomaaliya ee  ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegay sida ay hadalka u dhigeen in ay soo dhameystireen qorshihii ay kula wareegi lahaa deegaannada gobollada Bay iyo Bakool ee  ku harsan gacanta maleeshiyada kooxda Al-shabaab.

Col Xassan Baydhabo oo ah taliyaha ciidamada millitariga dowladda Soomaaliya ee gobollka Bay ayaa warbaahinta u sheegay in ay dhameystireen qidadii ama qorsihii ay kula wareegi lahaa deegaannada labada gobol ee hadda wali ku sii harsan gacanta kooxda Al-shabaab.

‘’Ciidamada dowladda waxaa ay shalay si buuxda gacanta ugu dhigeen deegaannka Ufurow oo ka mid ah saldhigyadii Al-shabaab ay ku lahaayeen gobollka, haddana ciidamada waxaa uu qorshahoodu yahay in ay dhaqaaqaan deegaannada kale ayuu yiri Col Xassan Baydhabo oo warbaahinta la hadllayay.

Waxaa uu intaa ku darray in ciidamada dowladda ku jiraan diyaar-garowgii ugu danbeeyay oo ay doonayaan in ay duullaan militari ugu qaadaan deegaannada kale ee wali ku sii harsan gacanta Al-shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com