Falaagada Argagixisada Ah Ee Al Shabaab Oo Sheegatay Weerarada Iyo Qaraxyada Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

0

alshababMuqdisho (AGGM): Falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarada iyo qaraxyada is daba joog ah ee ka dhacay maanta qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, iyagoona ku faanay in ciidankooda gaarka ah ay maanta howlgal qorsheysan ku qaadeen xarumo ku yaala Magaalada Muqdisho.

Sida uu qoray mid ka mid ah Shabakadaha ku hadla Afka falaagada argaggixisada ahe ee Al-shabaab, Sarkaal ka tirsan falaagada ayaa sheegay in ciidankooda loo yaqaano Istish-haadiyiinta ay qabsadeen dhismaha muhiimka ah ee Maxkamada Gobolka Banadir halkaasi oo ay ku shirsanaayeen saraakiil sar sare oo ka tirsan Dowlada.

“Ciidamada Itish-haadiyiinta ayaa Howlgal Culus Ka wada Magaalada Muqdisho waxaan kuu xaqiijin karaa in istish-haadiyiintu qabsadeen dhismaha Maxkamadda gobolka Banaadir welina Howlgalku waa socdaa” ayuu yiri sarkaalkan ka tirsan Al-Shabaab.

Falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab ayaan ka hadlin qasaaraha ay ku geysteen Weerarada iyo Qaraxyada is xig xigay ee ruxay Muqdisho, iyo in qasaare dhankooda kasoo gaaray intaba, balse hadalka kasoo baxay falaagada arxanka daran ee Al Shabaab ayaa kusoo beegmaya xilli weli xaalada Magaalada Muqdisho ay yara kacsan tahay.

Isku soo wada duuboo mar qura ayaa Maanta waxaa weerar ismiidaamin iyo toogasho isugu jiray lagu qaaday Xarunta Maxkamada Gobolka Banadir, iyadoona sidoo kale Qarax kale oo aad u xoogan uu ka dhacay wadada isku xerta KM4 iyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com