Madaxweyne Xasan Sheekh,Madaxweyne Abdullah Gül Iyo Siilaanyo Oo Kulmay.*Daawo*

0

xasan sheekh ankara 5Ankara (AGGM): Madaxwaynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo madaxweynaha Turkey Abdullah Gül ayaa gelanki dambe ee maanta kulan ku yeeshay magaalada Ankara ee caasimadda Turkey.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee xukuumadda Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed oo kulanka kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulanka uu daba socdo kulamo horay u dhexmaray xubno matalayay labada dhinac.

Wafdi ay kala hoggaaminayaan labada madaxweyne oo kala matalaya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa ku sugan dalka Turkey.

Magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa ka dhacay kulamo kala duwan oo madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha maamulka Somaliland ay la yeesheen madaxda kala duwan ee dowladda Turkey, balse weli kama soo bixin warar ku saabsan waxyaabaha sida dhabta ah looga wadahadlay.

Wadahadallan u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo uu martigelinayo Turkey ayaa gogolxaar u ah shirka la filayo in bisha May lagu qabto magaalada London ee dalka Britain.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com