Baarlamaanka Soomaaliya Oo Su’aalo Ugu Yeeray Wasiirka Gaashaandhigga.

0

baarlamaanka2_large2Muqdisho (AGGM): Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ugu yeeray wasiirka gaashaandhigga Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi  in wax laga su’aalo arrimo khuseeya ammaanka.

Isagoo shir-guddoominayay fadhiga baarlamaanka ee maanta, ku xigeenka afhayeenka baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in wasiirka gaashaandhigga wax laga weydiin doono arrimo khuseeya ammaanka.

Baarlamaanka ayaa horey su’aalo weydiin ugu yeeray raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo la rabo in wax laga su’aalo waxqabadka xukuumadda iyo sameynta maamullada deegaannada laga xorreeyay kooxda al-Shabaab.

Baarlamaanka ayaa sidoo kale raba inuu su’aalo ka weydiiyo wasiirka arrimaha gudaha dilal dhowaan Muqdisho loogu geystay dad maxaabiis ahaa oo xabsiyada lagala baxay.

Wasiirka ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu uga warbixiyo baarlamaanka ammaan darrada ka jirta qeybo ka mid ah dalka. Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa lagu wadaa inuu hor tago baarlamaaanka 14 April.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com