War Deg Deg Ah: Shabaabki Baardheere Oo Laba Garab Maanta Galinki Danbe U Kala Jabay.

0

breaking_news-620x3301Baardheere (AGGM): Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada ee gobolka Gedo ayaa sheegayo in xaalda kacsan ay ka jirto magaaladaasi ka diba markii maleeshiyaadka falaagada Al shabaab ee degmadaas  gacanta ku hayo ay u kala jabeen labo garab.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in  maanta gelinkii danbe ay weerar ku soo qaadeyn rag hubeysan oo ka tirsan falaagada Al shabaab saldhiga magaalada Baardheere  oo ay kala baxeyn ilaa afar dhalin yaro ah oo ka tirsanaa al shabaab oo lagu eedeyay in ay dhac u geysteyn goobo gacansi  oo ku yaalo degmad baardheere.

Horjoogaha salidhiga degmada baardheere Hirre Cabdi Xuseen oo qaar kamida ah warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ragaan  dhac geysatay ee ay soo qabteen ciidanka xisbada ee degmadaas ka hawal galo  ay si xoog ah ku furteyn rag kale oo ka tirsan falaagada Al Shabaab.

Horjooge Hire oo sii wata hadalkiisa ayaa waxa uu sheegay in ay wadaan qorsho ah in ay dib ugu soo qabtaan ragaas
isla markaan cadaalada la hor keeni doono.

Xaalada magaalda ayaa kacsan waxaana la maqlayaa rasaas teelteel ah oo laga kala ridayo saldhiga iyo nawaaxiga buundada magaalada Baardheere.

Si kastaba  ha ahaatee falaagada Al shabaab oo dhibaato weyn ku hayo dadka ku nool magaalada baardheere, haddana arintan  ayaa waxay cabsi weyn ku abuurtay dhamaan shacabka in dagaal u dhaxeeya Al Shabaab uu ka qarxo gudaha magaalada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com