Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil Oo Baaq U Diray Bulshada Ku Dhaqan Gobolada Jubboyinka.

0

IMG_6109 (2)Grabahaarey (AGGM): Maxamed Cabdi Kaliil oo ah Guddoomiyaha ay dhawaan dowladda Federaalka Soomaaliya u magacowday gobolka Gedo ayaa waxuu sheegay in waxa ugu horeeya ee uu maamulkiisa qaban doono ay tahay sugidda amniga iyo xaqiijinta u hogaansanka maamulka Gobolka iyo kan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

“Muddo dheer ayuu gobolka Gedo kusoo jiray fawdo iyo isbar-yaac ay keentay dowlad la’aantii dalka Soomaaliya ka jirtay mudadii dheereyd iyo waliba colaado bilaa macno ah ee gobolka kusoo noq-noqday, taasoo bulshada gobolka dhaxal siisay dib u dhac ay adag tahay sidii looga soo kaban lahaa”, ayuu yiri Kaliil oo maanta la hadlay saxaafadda.

Guddoomiye Kaliil oo si toos ah baaq ugu dirayo bulshada ku dhaqan gobolada Jubbooyinka ayaa yiri “waxaa xaqiiqo ah haddii gobol ka mid ah gobolada Jubbooyinka ay lasoo daristo dhibaato in ay adag tahay in ay kuwa kale ka badbaadaan, sidaas awgeed, waxaan dhamaan bulshada ku dhaqan Jubbooyinka u gudbinayaa fariin ah in ay muujiyaan isku duubni iyo in ay gacmaha is qabsadaan si ay uga gudbaan marxaladda adag ee ay ku jiraan.”

“Maadaama uu gobolka Gedo muddo dheer kusoo jiray bur-bur dhinacyo badan leh, waxaan qabaa sida kaliya ee dhibaatada jirta looga bixi karo in ay tahay in bulshada gobolada Jubbooyinka oo uu gobolkani ka mid yahay ee dal iyo dibadba ku sugan ay nagu garab istaagaan sidii aan uga gun gaari laheyn hadafka yaga ah xoreynta iyo dib u dhiska gobolada Jubbooyinka,” ayuu yiri gudoomiye Kaliil.

Kaliil ayaa waxuu kaloo sheegay, maadaama uu hadda gobolka Gedo leeyahay maamul rasmi ah in uu bulshada ku dhaqan gobolka si gaar ah ugu baaqayo in ay ka qeyb qaataan sugidda amniga iyo dib u dhiska gobolka, isla markaana ay si wada jir ah uga soo wada horjeestaan cid kasta oo khal-khal gelin karta nabad ku wada noolaashaha bulshada ku dhaqan gobolada Jubbooyinka.

Mar uu ka hadlayay shirka Kismaayo ka socda ayaa guddoomiye Kaliil waxuu yiri “horaan marar badan u sheegnay oo shirkaasi waa waqti lumis wax faa’iido ahna kama soo baxeyso, balse waxaan horay talo ugu bixinay haddana aan ku celinayaa in inta la’iska dhaafo khiyaaliga ay dadka qaarkood ku jiraan in dhismaha maamul goboleedka Jubbaland lala sugo inta laga xoreynayo deegaanada wali gacanta Al-shabaab ku jira, isla markaana ay si wada jir ah isaga imaanayaan bulshada ku dhaqan Jubbooyinka oo ay mustaqbalkooda ka tashanayaan, dowladda Federaalka ahna ay arrintaas doorka ugu muhiimsan ka qaadan doonto.”

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com