Dhambaal Tacsiyeed: Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun Allaha U Naxariistee Marxuumad Muraayad Garaad Axmed Oo Maanta Ku Geeriyootay Magaalada Leicester Ee Dalka Ingriiska.

0

muraayadDhambaal Tacsiyeed: Innaa Lillaahi Wa Innaa Ialyhi Raajicuun waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 12/04/2013 ku geeriyootay magaalada Leicester Ee Dalka Ingriiska gudoomiyihi hore ee ururka Hooyooyinka Soomaaliyeed Allaha u Naxariistee Marxuumad Marwo Muraayad Garaad Axmed Fiindho.

Dhamaan bahweynta Allgalgaduud Media Anaga oo ka tiiraanyonayna geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u Naxariistee Marxuumad Marwo Muraayad Garaad Axmed Fiindho waxaan dhambaal tacsiyeed oo tiiranyo leh u direynaa dhamaan ummada Soomaaliyeed, gaar ahaana Reer Xayd Gurbe iyo Reer Garaad Axmed Fiindho, waxaana Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryaynaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo Marxuumad Marwo Muraayad Garaad Axmed Fiindho, waxaan kaloo Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryaynaa inuu Marxuumad Marwo Muraayad Garaad Axmed Fiindho janadi fardowza ahayd ka waraabiyo. aamiin aamiin aamiin.

Maamulka Iyo Shaqaalaha Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com