Wararki Ugu Dambeeyay Ee Xaalada Magaalada Kismaayo Iyo Shirki Beesha Sade.

0

kismaayo2Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya maanta magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in shir maalmihi la soo dhaafay uga socday gudaha magaalada Kismaayo Beesha Sade in lagu kala kacay leeyskuna fahmi waayay.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in labadi dhinac ee shirka maalmahan uga socday magaalada Kismaayo ay isku fahmi waayen dhamaan qodobadi ay ka wada hadalayeen, shirki beesha Sade uga socday Kismaayo waa uu fashilmay wax natiijo ah oo kasoo baxdayna ma ay jirto.

Dhinaca kale qaar kamid ah shabakadaha soomaalida ayaa waxa ay daabacaeen in shirka u socday beesha uu ku soo dhamaaday is afgarad arintaas oo ah mid been abuur ah oo laga soo xigtay dhinac kamid ah dhinacyadi shirka u socday.

Shabakadahan ayaa waxa ay wareeysiyo la yeesheen soona tabiyeen wararka shaqsiyaad ay kala dhaxeeyaan dano u gaar ah balse wareeysiyadoodaas ayaa ah kuwo sumcadooda wax u dhimi doona mustaqbalka dhow marki ay xaqiiqda dhabta ah soo shaac baxdo, waaba hadii ay leeyihiin wax sumcad ah.

Isku soo wada duuboo gabi ahaan waxaa dagan jawiga magaalada Kismaayo mana ay jiraan wax shir ah oo ka socday maalmihi lasoo dhaafay arinkaa oo ay dadku ku micneeyeen fashil ku yimid shirki lagu sheegay in lagu yagleelayo maamulka Jubbaland.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com