Max’ed Cabdi Kaliil "Ergada La Sheegay In Ay Ka Qeyb-galleen Shirka Kismaayo Kuma Soo Laaban Karaan Gobollka Gedo".

0

kaliil111Garbahaareey (AGGM): Max’ed Cabdi Kaliil  guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulka gobolkiisa ay tallaabo cad ka qaadi doonaan sida uu hadalka u dhigay ergada magaca gobollka Gedo uga qeyb-gashay shirka magaalada Kismaayo.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobollka Jubbada hoose waxaa ka soconaya shirweyne la doonayo in lagu soo dhiso maamul la sheegay in ay ku mideysan yihiin gobollada Jubbooyinka Gedo, waxaana shirkaas la sheegay in ay qeyb ka yihiin ergo ka timid gobollka Gedo.

Guddoomiyaha gobollka Maxamed Cabdi Kaliil oo warbaahinta gudaha la hadllay ayaa sheegay inuusan jirin qof ka wakiil ah gobolka Gedo oo ka qeybgalaya shirka Kismaayo.

“Ergada la sheegay  in ay ku sugan yihiiin Kismaayo kuma soo laaban karaan gobolka, hadday isku dayaana tallaabo adag oo sharciga waafaqsan ayaa laga qaadayaa.” ayuu yiri,’’ Maxamed Cabdi Kaliil.

Guddoomiyuhu wuxuu ku celceliyey in gobolka Gedo uu leeyahay hal maamul oo sharci ah, sida uu yiri.  Wuxuu sheegay in maamulka Gedo aan loo aaneyn karin dad aan xil u heyn.

Dhowaan ayaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa lagu soo dhoweeyay wafdi ay ku jiraan odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Gedo kuwaasoo illaa hadda ku sugan Kismaayo kana qeybgalaya shirka maamul u sameyna Jubbooyinka oo gobolka Gedo uu qeyb ka yahay ee halkaasi ka socda.

Shirka magaalada Kismaayo waxaa siweyn uga soo horjeeda dowladda federaalka Soomaaliya oo sheegtay in uu shirkaasi uusan aheyn mid sharciga waafaqsan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
algalgaduud@gmail.com