Madaxweyne Xassan Sheekh Oo Dib Ugu Soo Laabtay Muqdisho, Kadib Kulan Uu La Soo Qaatay Dhigiisa Dalka Kenya.

0

XASAN SHEEKH KENYANairobi (AGGM): Madaxwkenya-6eynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo wafdi la socda ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, kadib kulan uu xalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula qaatay dhigiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayay ee ka tirsan xukuumada waxaa ay ka qeyb-galleen maalintii shalay munaasabadii dhaarta madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta, isaga oo dhinaca kalana xalay kulan la qaatay dhigiisa Kenya.

Labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa kulankooda uga wada hadllay sidii loo soo xoojin lahaa xiriirka labada dowladood ka dhaxeeya, iyo isbadalka dhinaca siyaasada ah ee Kenya, waxaana ay isku afgarteen adkeynta xiriirka siyaasadeed iyo amni ee ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweynaha cusub ee dowladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dowladda u u hogaamiyo sidii horeyba dowladdii ka horeysay isku bar bar taagtay dowladda Soomaaliya gacan ka siin doonto soo cellinta nabad-galyada iyo dagaallka ka dhan-ka ah kooxaha argagixisada.

Madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud ayaa dhinaca kale dowladda Kenya uga mahad celiyay Qaxootiga kumanaanka gaaraya ee Soomaaliyeed oo 20-kii sano ee la soo dhaafay ku noolaan gudaha dalka Kenya, waxaana uu sheegay in dowladda Soomaaliya ka shaqeyneyso sidii Qaxootigaa dib dalkooda Soomaaliya loogu soo cellin lahaa.

Wafdiga madaxweynaha oo saakay ka degay garoonka diyaaradaha magalada Muqdisho ayaa waxaa halkaa ku soo dhaweeyay xubno isugu jira wasiirro iyo xildhibaanno.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com