Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafdi Ka Socda Dowladda Ingriiska.

0

xasan sheekh11Muqdisho (AGGM): Wafdiga ka socday dowladda Britain ee uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa hoggaaminayey taliyaha dhinaca ammaanka ee Ra’iisul wasaaraha Ingariiska Oliver Robbing son, waxa sidoo kale wehliyey Safiirka dowladda Ingariiska u fadhiya Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray ahmiyadda shirka bisha soo socota ka dhici doona magaalada Lodon ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, sida dib u dhiska dalkan iyo howllo kale.

Saacada dheer oo uu kulan socday kaddib ayaa taliyaha Ra’iisul wasaaraha Ingariiska Oliver Robingson oo idaacadda dowladda la hadlay wuxuu sheegay in kulankii madaxweyne Xasan Sheekh ay la qaateen in ay uga hadleen dardargalinta qaabka uu qabsoomayo shirka London ka dhici doona.

Sidoo kale taliyaha dhinaca amniga ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Sheekh Ciise ayaa isaga tilmaamay in wada hadallada ku aaddan shirka London in ay weli socdaan, meel wanaagsanna ay marayaan.

Shirka lagu wado in bisha foodda inagu soo heysa in uu ka dhaco magaalada London ee ay wadajirka u qaban qaabinayaan dowladaha Soomaaliya iyo Britain ayaa sida horey loo sheegay muhiimaddiisa tahay sida adduunku uga qeyb qaadan karaan dib u dhiska Soomaaliya si ka baddelan taageeradii uu caalamka siin jiray Soomaaliya, waxaana muuqaneysa in ahmiyad weyn uu leeyahay shirkaasi isbaddelka Soomaaliya ka dhaca.