Dagaal Khasaare Sababay Oo Ciidamada Dowladda Iyo Al Shabaab Ku Dhaxmaray Deegaanno Ka Tirsan Gobolka Bay.

0

shabaab123Baydhabo (AGGM): Wararka laga hellayo gobollka Bay ayaa sheegaya in dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac uu ku dhaxmaray deegaannka Ow-diinlle ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka gobollka Bay.

Waxaa inta la og-yahay dagaallka oo ay qaadeen ciidamada dowladda ku dhinta Sadax ruux halka tiro intaa ka badnna ay ku dhaawacmeen sida uu sheegaygudoomiyaha degmada Bardaale ee gobolka Baay Max’ed Isxaaq Caracase.

Waxaa uu intaa ku darray guddoomiyaha degmada Bardaalle  in ciidamada dowlada Soomaaliya ay si buuxda u la wareegeen deegaanka cadaada oo ahaa halka lagu dagaalamay wuxuuna intaa ku daray in ay khasaare aan baaxad leh ay dagaalka ku gaarsiiyeey Al-shabaab.

Gudoomiyaha degmada Bardaale Max’ed Isxaaq Caracase ayaa hoosta ka xariiqay in ay sii wadi doonaan dagaallda ay ku qaadayaan deegaanada ay gobolka  kaga sugan yihiin alshabaab isla markaane ay ka sifeyn doonaan gobolada Baay iyo Bakool.

Al-shabaab oo dagaalka qayb ka ahaa ayaan ilaa hada wax war ah kasoo saarin dagaalka ka dhacay deegaanka cadaada ee u dhexeeya degmada Bardaale iyo deegaanka Ow-diinle ee ay masuuliyiinta dowladu sheegteen iney alshabaab kala wareegeen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com