Ra'iisal Wasaaraha Oo Kulan Horudhac Ah La Qaatay Dhiggiisa Dalka Yugandha.*Daawo Sawirada*

0
DSC_2058 (2)Kampala (AGGM): Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdi uu hogaaminayo oo maata booqasho ku yimid dalka Yugandha ayaa wada xaajood dheer oo dhinacyo badan taabtay la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha Yugandha Mudane Amama Mbabazi.
Labada Ra’iisal Wasaare waxay si qotadheer uga wada hadleen arrimaha iskaashiga ee labada wadan, gaar ahaana dhinaca amniga, dhaqaalaha iyo horumarka, ayadoo ugu horeyn uu Ra’iisal wasaaruhu ka mahad celiyay doorka suuban ee Yugaandha uga jirto dadaalka sida rasmiga ah loogu nabadeynayo dalka Soomaaliya.
“Dawladda Yugandha waxaan uga mahadcelinayaa doorkeeda muuqda ee howl-galka nabad illaalinta AMISOM, waxayna aheyd dawladdii u horeysay ee ku timaada gurmadka AMISOM u gashay badbaadada Soomaaliya” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa faah-faahin ka bixiyay ujeedada socdaalkiisa uu ku marayo wadamada gobolka iyo midkan uu gaar ahaan ku yimid dalka Yugaandha.
“Waxaan idiinkugu nimid inaan dardargelino howlaha sugida ammaanka iyo xasilinta dalka, anagoo wadna qorsheyaal cusub oo aanu dooneyno inaan si buuxda ula kaashano AMISOM oo Yugandha kaalinta ugu weyn kaga jirto” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu isaga oo intaas ku daray in qatarta argagixiso ee Al-Shabaab aysan aheyn mid la sahlan karo una baahantahay iskaashi buuxa.
Dhanka kale, Ra’iisal Wasaaraha dalka Yugandha Amama Mbabazi ayaa isna dhankiisa ka mahadceliyay booqashada Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, wuxuuna aad u soo dhoweeyey qorshaha cusub ee dawladda ku dooneyso in ay ku soo celiso amniga iyo xasiloonida dalka Soomaaliya.
Wadahada u dhexeeya wafdiga Ra’iisal Wasaaraha iyo dawladda Yugaandha ayaa sii socon doona, waxaana qorshaysan in Ra’iisal Wasaaruhu la kulmo madaxweynaha dalka Yugandha Yuweri Mesevini isaga oo kala hadli doona iskaashiga labada dal.
DSC_2058 (2)DSC_2057 (2)

DSC_0002 (2)

DSC_2066 (2)

DSC_0004 (2)

DSC_0001 (2)

DSC_2065 (2)

Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Kampala, UgandaIsha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com